Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaaraha oo guddoomiyey kulan looga hadlayay dardargelinta doorashada Xildhibaanada Gobollada Waqooyi

Muqdisho, September 26, 2021 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada Xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland), maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed , Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay dhinacyada muhiimadda ay leedahay in la dadajiyo doorashada Xildhibaanada Somaliland.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la yeeshay taliyeyaasha Booliska Soomaaliya, AMISOM & guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) isagoo kala hadlay xoojinta amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia