Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaaraha oo kulammo la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyihii KMG-ahaa

Muqdisho, Abriil 29, 2022; Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho iyo hambalyo ugu tagay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Ra’iisul Wasaaraha oo la afuray labada mas’uul ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay, isagoona u rajeeyay in Eebbe uu ku guuleeyo masuuliyaddaas.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka uga mahad-celiyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay, isagoo ku ammaaanay sidii uu u hoggaamiyey howshii doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo si guul ah ku soo idlaatay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyey hannaanka ay ku soo idlaatay doorashada dalka ee uu hoggaaminayey, waxa uuna u mahadceliyey dhammaan Guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, Laamaha Ammaanka iyo Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran.

DHAMMAAD