Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Qaahira.
Muqdisho 11 January 2023——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barreayaa la kulmay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira.
Mudane Xamse ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan qaabka u shaqeyso safaaradda Danjiraha Ilyaas Sheekh Cumar iyo hawlwadeennada oo ka hadlay baahiyada ay qabaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in ay si hufan shaqadooda u gutaan, isla markaana si daahfuran ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.