Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan Soomaaliya

Doha, October 05, 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta kulan la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiir Tamiim ayaa iska wareystay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii ay Soomaaliya uga sii taageeri lahaayeen dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Amiirka ku ammaanay taageeradooda dhinacyada horumarinta kaabayaasha dalka, maadaama ay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyadaas.

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyey dadaalkiisa ku aadan qabsoomidda doorashada, waxuna balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia