Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Madaxweynaha Bangiga adduunka Oo Kulan Ku Yeeshay Washington

Washington, Jimce, October 18, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha bangiga adduunka, David Malpass, ayaa kulankoodii labaad sannad gudihiis waxa ay ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Mareynkanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada farsamo iyo siyaasadeed ee dowladda Soomaaliyeed uu ka siiyay waddada deynta looga cafinayo dalka iyo qorshaha deyn cafinta kama dambeysta ah.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF, hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo mas’uuliyiinta dalalka saaxiibka la ah Soomaalia ee Washington u yimid ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee IMF iyo Bangiga adduunka.

David Malpass iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii uu socday shirkii guga ee IMF iyo Bangiga adduunka waxa ay bishii April 10, 2019 kulankoodii ugu horreeyay ku yeesheen isla magaalada Washington

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia
https://www.facebook.com/HassanAliKhaire