Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Casho Sharaf Hoygiisa Ugu Sameeyay Madaxwaynaha Jubaland
Muqdisho; Arbaco, April 03, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay waxa uu hoygiisa casho sharaf ugu samaayeeyay madaxwayaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan.
Madaxweynaha Jubaland ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay cashada uu ku sharfay isaga iyo wafdiga ku wehliya socdaalkiisa magaalada Muqdisho.
Casho sharafta kadib ayaa ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxwaynaha Jubaland, waxa ay kormeereen qaybaha uu ka koobanyahay xafiiska Ra’iisul Wasaararaha oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/


