Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Munaasabadaha Weyneynta Xuska 60 Sano Guurada Xorriyadda Iyo Midnimada Soomaaliyeed
Muqdisho, Jimco, Maarso 06, 2020— Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo daah furay munaasabadaha weyneynta daah-furka xuska 60 sano guurada xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed oo lagu qabtay beerta qarannimada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in of kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo inuu ka dhabeeyo himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyay xornimada dalka oo doonayay in dalka Soomaaliya uu kamid noqdo dalalka ugu horreeyay dunida.
Munaasabadda oo ay kasoo qayb galeen wasiirro xildhibaann, guddoomiyaha gobalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale ka sheegay in Soomaaliya ay soo ceshan karto sharaftii ay dunida ku laheyd hadii dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Janaayo 04, 2020 waxuu magacaabay guddiga guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda dalka oo shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020.
Xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
Facebook:
OPMSomalia
HassanAliKhaire
instagram:
hassanakhaire
opmsomalia