Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeen Cabdisalaan Dhaay oo sheegay in Xukuumaddu xoogga saareyso sidii loo tayeyn lahaa tacliinta sare

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso sidii loo tayeyn lahaa tacliinta sare ee dalka, si ay ardeyda Soomaaliyeed u helaan aqoon waxtar leh oo la jaan-qaadaysa horumarka dunida ka jira.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo maanta kormeer ku tagay xarunta Jaamacadda Simad, ayaa tilmaamay in Jaamacaddu ay qeyb weyn ka qaadato cilmi-baarista kala duwan ee dalka laga sameeyo iyo dowladnimada casriga ee dalkeennu u jihaystay. wuxuunna ku ammaanay dedaalka ay maamulka jaamacaddu ku bixiyeen hirgalinta man-hajka waxbarashada dalka iyo tayeynta xirfaddaha la baro dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Intii uu ku sugnaa Jaamacadda Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalku, waxa uu kormeeray qeybaha kala duwan ee jaamacadda, kuwaas oo kamid yihiin shaybaarka, Machadka luuqadaha, Maktabadda, qeybta tababarrada, iyo hal-abuurka kala duwan ee Jaamacadda oo soo saarta xirfadleyaal iyo aqoonyahanno tayo sare leh.

– Dhammaad –

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya