Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa Daah-Furay Qorsha Qaran ee Kobcinta Xirfadaha Haweenka ee ka Faa’iidaysiga Khayraadka Badda

Muqdisho 15 February 2013—-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha  Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda.

Qorshahan qaran ayaa loogu talo galay in si wadajir ah loogu horumariyo baahiyaha haweenka ee la xiriira wax soo saarka badda, kor u qaadidda doorka hoggaamineed ee haweenka, ka qaybgalka waxbarashada iyo shaqaalaysiinta, amniga iyo fursadaha maalgashi ee la xiriira badaha.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa tilmaamay in qorshahani uu wax wayn ka badeli doono shaqo la’aanta iyo saboolnimada, isagoo sheegay in haweenka ay fursad u heleyaan barashada xirfado ay uga faaiideysan doonaan  khayraadka badaha ee dalkeenna ceegaaga.

Shirka oo ay si  wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirradda Heer Dowlad Goboleed, xubno ka socday labada gole ee Baarlamaanka, Safiiro iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha deeq bixiyaasha.



 

   

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomal