Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ka qayb galay munaasibad lagu Abaalmarino shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii hore Wasaaradda Qorshaynta iyo Maalgashiga

Muqdisho January 3 2023—Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa caawa ka qayb galay munaasabad abaalmarinno lagu guddoonsiinayey shaqaalihii ugu dadaalka fiicnaa sannadkii 2022 ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Munaasabaddan oo ahayd casho sharaf ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ugu hambalyeeyey shaqaalihii sannadkaasi tagay ugu dadaalka wanaagsanaa Wasaaradda, isagoo inta kalena kula dardaarmay inay kordhiyaan dadaalka isla markaana horumariyaan shaqada ay shacabka u hayaan.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Qorshaynta ay gacanta ku hayso qorshaha guud ee qaranka, isla markaana looga

baahan yahay shaqaalaheeda in sannad walba la horumariyo aqoontooda iyo shaqadoodaba.