Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Xariga Ka Jaray fagaaraha Midnimada
Muqdisho; Arbaco, July 08, 2020 —-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta xariga ka jaray fagaaraha Midnimada oo laga hir geliyay xaruntii hore ee Baarlamaanka oo ah xaruntii midnimada Koonfur iyo Waqooyi.
Mudane Mahdi Guuleed oo guul taariikhi ah ku tilmaamay xarig jarka ayaa caddeeyay in fagaarahan oo astaan u ah midnimada Waqooyi iyo Koonfur uu noqon doono meel dadweynuhu ku nastaan oo dhallinyaradu ka ogaadaan midnimada iyo dadaalkii loo soo maray.
Jardiinooyika fagaaaraha ayaa lagu muujiyay sida magaalooyinka waqooyi iyo Koonfur loo mataaneeyay xilligii ay goballada waqooyi iyo Koonfur ay midoobeen 1960-kii.