Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo Kormeer Shaqo ku Tagay Wasaaraddo iyo Hay’addo Dowladdeed
Muqdisho, 20 January 2025: — Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA).
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ayaa si qoto dheer ula socday hawlaha iyo adeegyada ay hay’addahan u hayaan bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu kala hadlay madaxda hay’addaha sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka, hufnaanta maamul, iyo dabagalka qorsheyaasha horumarineed.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xaqiijiyey in qorshayaasha iyo mashaariicda wasaaradahan iyo SoDMA ay waafaqsan yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP), si loo gaaro yoolalka waaweyn ee horumarineed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa bogaadiyey dadaalka wasaaraddahan iyo hay’adda SoDMA ay ku bixiyaan adeegyadooda muhiimka ah. Waxa uu ku dhiirrigeliyey in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku xirnaanta hay’addaha dowladda, si loo hormariyo nolosha bulshada, loona xaqiijiyo in adeegyadu gaaraan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ballan qaaday in xukuumaddu sii wadi doonto taageerada dhammaan hay’addaha qaranka, iyadoo mudnaanta la siinayo dhammaan qorsheyaasha lagu horumarinayo waxbarashada, dhallinyarada, isboortiga, iyo maaraynta musiibooyinka.
— Dhammaad