Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiyey tiirka Caddaaladda Iyo Garsoorka Madaxa Banaan

Muqdisho; Isniin, October 10, 2022 —-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka caddaaladda iyo garsoorka madaxa bannaan oo looga hadlay qaabkii caddaalad iyo garsoor loo gaarsiin lahaa goobaha laga xorreeyey argagixisada.

Kulanka ayaa warbixinno looga dheggaystay hay’adaha ka tirsan tiirka caddaaladda iyo garsoorka. Wasaaradda caddaaladda ayaa soo bandhigtay qorshaha adeeg garsoor oo deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaanadii dhawaan laga xorreeyey argagixisada Al shabaab.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo bandhigay hannaankii ay uga hawl gali lahaayeen deegaanada laga xorreeyey cadowga, Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqal Insaanka ayaa dhinaceeda ayaa soo gudbisay warbixin ku saabsan guddiga xuquuqal insaanka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Saalax, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda ee deegaannada cadowga laga saaray loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimmka u ah dadka deegaanka isla markaana laga hirgaliyo maamul iyo kala danbayn si loo gaadhsiin karo caddaaladd iyo garsoor.