Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo loogu soo dhaweeyey Gar-owe
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Garowe ayaa waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah safarro uu ku marayo dowlad-goboleedyada dalka oo diiradda lagu saarayo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Puntland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saaraysa adkeynta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobolleedyada dalka.
Ra’iisul Wasaraha ayaa sidoo kale booqan doona dowlad-goboleedka Galmudug oo uu kula kulmi doono madaxda iyo bulshada.