Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyey falkii ay argagixisadu ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed

Muqdisho, Oktoobar 20, 2021-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey falkii burcadnimada ahaa ee kooxaha argagixisadu ay ku gubeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa falkaas ku tilmaamay qeyb kamid ah arxan darada kooxaha banaystay dhiigga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado badan go’doomin ku hayay deegaanno dhaca gobolka Bakool.

“Tani waxay tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale”.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gurmadkii ay u fidiyeen dhibanayaashii cadowgu wax yeellada u geysteen, isagoo ku baaqay in loo midoobo ciribtirka kooxaha argagaixisada ah ee waxba hanbaynayn.