Ra’iisul Wasaare Rooble oo Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada labada Aqal ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland
Muqdisho,24 Feb 2022– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee BJFS ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalaya Gobollada Waqooyi kula dardaarmay in waajibaadka culus ee la saaray u gutaan si ay ku jirto danta dalka iyo dadka.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxuu Ra’iisul Wasaare Rooble shahaadooyin guddoonsiiyay xubnaha Guddiyada Doorashooyinka SEIT Somaliland, Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Saraakiisha Amniga, taasoo ay ku muteysteen howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyada ay ku dhiman yihiin Xildhibaanada harsan in ay si deg deg ah u soo gudbaan, si dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada looga baaqsado.