Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb
Dhuusamareeb,Diseembar 15, 2020:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga deegaannada Galmudug ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu ahmiyad weyn u leeyahay soo celinta kaabayaasha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah shacabka Galmudug, isla markaan uu si deg deg ah ku bilaaban doonno mashruucan lagu dhisayo Garoonka.
Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Galmudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinkii la haray deegaanka ee dib u riday horumarkii la sameyn lahaa.
“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee Galmudug in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska Garoonka Caasimadda Dhuusamareeb.”
Munaasabadda Dhagax dhigga Garoonka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.