Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay gurmad loo fidiyo ganacsatada suuqa weyn ee Hargeysa.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii ku xoolo beelay dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in XFS ay si hordhac ah gurmadka deg degga ah uga qeyb qaadaneyso 1 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, kaas oo si deg deg ah loo gaarsiin doono.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre ayaa sheegay in ganacsatadu ay gurmadka uga qeyb qaadanayaan lacag dhan 2 Milyan oo Doollar.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray in lacagtan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo dadkii dhibtu gaartay, isagoo shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo