Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Wasiirrada la yeeshay Kulan dib loogu eegayay shaqooyinkii qabsoomay

Muqdisho, Juun 21, 2022--Ra’iisul Wasaaraha Xafiiska ka sii tagaya ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Golahiisa Wasiirrada iyo howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen iyo howlihii baaxadda lahaa ee ay dalka u soo qabteen.

Ra’iis Wasaare Rooble ayaa wasiirrada u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego.

Dhanka kale Xubnihii Golaha Wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hoggaamiyay xukuumadda iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday.

Ra’isul Wasaaraha ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia

Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.