Munaasabadda 08 Maarso ee Maalinta Haweenka Caalamka Awgeed, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseen Roble iyo Marwada Ra’iisal Wasaaraha Marwo Hodan Ali waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Haweenka Soomaaliyeed meel walba ay dunida ka joogaan. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay horumuud ka yihiin hanaqaadka Dowladnimada, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Arirmaha Bulshada, Dibu-heshiisiinta iyo Xasilinta Dalka. Ra’iisal Wasaaraha waxa uu dhammaan qaybaha haweenka Soomaaliyeed ee leh Macallimiin, Ganacsato, Shaqaale, Ciidan, Dhaqaatiir iyo hooyooyin qaran waxa uu u rajeenayaa guul iyo horumar waara.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Haweenka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey 8da Maarso
