Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo guddoominayay Madaxweynaha JFS
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galaya shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka, waxaa diiradda lagu saarayaa howlaha hortabinta u leh dhamaystirka dhismaha qarannimada Soomaaliyeed sida arrimaha dastuurka, federaalaynta, doorashooyinka, amniga, garsoorka, abaaraha iyo qodobbo kale.
Shirka oo socon doona muddo 2 cisho ah waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah DFS, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku saabsan qodobbadii looga wada hadlay.