Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kula la qaatay Hay’adaha Amniga

Muqdisho, Abriil 23, 2021;Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka amniga Caasimadda ayaa faray hay’adaha ammaanka in la dardargeliyo sugidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Amniga in tallaabo deg-deg ah laga qaado sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, taas oo muuqaal aan wanaagsanayn ka bixinaysay dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan la buunbuunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa dhagarta kooxaha argagixisada iyo cadowga shirqoolada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo ciidanka ammaanka.