Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Afrika
Muqdisho 07 November 2021– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS. Eng. Rooble ayaa u xaqiijiyey Mss Martha in Xukuumaddiisu ay dadaal aan kala joogsi lahayn ugu jirto sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinku ay ku dhacaan si nabdoon, iyadoo haatan ay bilowdeen wajigii labaad ee doorashada Xildhibaannada golaha shacabka. Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Mashaariicda Horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee QM. |
—DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka |