Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada dhinacyadan badan ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay dowladiisu siiso Soomaaliya.