Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

Muqdisho,Ogoosto31, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dhaqan-gelinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo dadaalka lagu bixinayo fududeynta waajibaadka Qaran ee Guddiyadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in fulinta howlaha farsamo ee doorashada iyo isku xirka Guddiyada loo madax-banneeyey Guddiga Heer Federaal ee Doorashada, taas oo aas-aas u ah hufnaanta iyo dah-furnaanta doorashada, iyadoo ay tahay in la ilaaliyo xuquuqda muwaadin kasta oo u hanqal taagaya in uu ka mid noqdo Hoggaaminta dalka.

“Culeys kata oo ku saabsan Doorashooyinka soo gudbiya. Masuuliyadda 1-aad waxaa u xilsaaran Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka oo laga rabo in ay diyaariyaan dhammaan Dukumiintiyada ku saabsan u tartameyaasha Kuraasta Baarlamaanka, iyagoo ilaalinaya caddaaladda iyo daah-furnaanta laga sugayo”.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeeyey dhammaan Xubnaha Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed ee Doorashooyinka dalka in ay ilaaliyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, kana madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.