Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkeenna la dhibaateysan Abaaraha dalka

Muqdisho, Nofeembar 20, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo daahfuray Bangiga cusub ee My Bank oo ka mid ah bangiyadda gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta dadkeenna la dhibaateysan abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorka shariifka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gurmadka xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca dalka iyo garab-siinta dadkeenna nugul, waxa uuna tilmaamay in xilligan baahi weyn loo qabo sidii loo mideyn lahaa, loona dardar gelin lahaa gurmada abaaraha ka jira dalkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa kula dardaarmay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan khayraadka ceegaaga dalkeenna, si uu kor ugu kaco waxsoosaarka dalka, loogana baxo saboolnimada iyo duruufaha nagu xeeran.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey kobaca fursadaha maalgashi ee dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in ganacsatadeennu ay u mideeyaan cududdooda iyo caqligooda oo aas-aas u ah horumarinta dhaqaalaha iyo shaqaaleynta dhallinyarada Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia