Ra’iisul Wasaare Rooble oo xariga ka jaray Dugsiga Beeraha oo laga hirgeliyey degmada Balcad
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa xariga ka jaray Dugsiga Beeraha oo dhowaan laga hirgeliyey degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha dugsiga Beeraha, isagoo warbixinno ka dhageystay maamulka dugsiga.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay barashada wax soo saarka dalku in ay faa’iido weyn u leedahay isku tashiga bulshooyinka, loona baahan yahay in dugsigani uu soo saaro aqoon yahanno Soomaaliyeed oo ka faa’iideeya kheyraadka dalka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay odayaashii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad, ayna mudan yihiin bilad sharaf.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia