Ra’iisul Wasaare Rooble “Shacabka Muqdisho ma astaahilaan, culeyskii ay la kulmeen muddadii ay waddooyinku xirnaayeen”
Muqdisho, Oktoobar 13, 2020;Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in jidadka Caasimadda loo furay si loo fududeeyo nolosha, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.
Mudane Rooble ayaa ka raaligaliyey shacabka Muqdisho dhibaatooyinkii ay kala kulmeen xirnaanshaha wadooyinka.
“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka Muqdisho ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha waddooyinka. Shacabkuna ma astaahilaan, mana qaadan karaan culeyskii ay la kulmeen muddadii waddooyinku xirnaayeen”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono jidadka kale ee xiran, kuwaas oo iyagana la furi doonno wakhtiga ugu horreeya ee la hubiyo in khatar uga imaaneyn shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS M. Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ay ugu dhabar adeyggeen difaaca shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay kor u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia