Ra’iisul Wasaare Rooble ” Xukuumaddu waxa ay sida ugu dhaqsiyahabadan uga howl gali doontaa una soo bandhigi doontaa qorsheyaashadoorashooyinka .”
Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
• Ugu horeyn waxaan u hambalyeeynayaadhamaan shaqaale weeynaha Soomaaliyeedoo maanta u dabaaldegaaya MaalintaShaqaalaha Aduunka, Waxaana ugamahadcelinayaa howsha adag ee qiimahabadan oo ay qaranka u hayaan shaqaalahaSoomaaliyeed.
• Intaas ka dib maanta waa maalin taariikhi ah oo mudnaan gaar ah u leh Geedi socodkaNabadda, Dimuquraadiyadda iyoDawladnimada Soomaaliya.
• Waxaan halkaan uga mahadcelinayaaMadaxwaynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya Mudane Maxed CabdulaahiMaxamed Farmaajo oo mar kale muujiyaytanaasul aad u wayn isagoo u damqanayaShacabka Soomaaliyeed iyo Qarannimada.
• Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaamadaxweynaha Jamhuuriyadda in uu anigaiyo xukuumaddeyda nagu soo wareejiyayhoggaaminta howlaha doorashooyinkaamniga doorashooyinka iyo fulinta qorshahaamniga guud ee Qaranka, anigoo rajeynayain aan ku guuleysanno howshaas iyomas’uuliyaddaas muhiimka u ah masiirkadalka una maareyno sida ugu wanaagsan.
• Waxaan uga mahadcelinayaa GolahaShacabka Baarlamaanka FederaalkaSoomaaliya sida mas’uuliyaddu ku dheehantahay oo ay u aqbaleen codsigiimadaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdoheshiiskii 17-kii September ee hagayayhannaanka doorashooyinka dalka, iyagootixgeliyay sidii looga gudbi lahaa duruufahaadag ee dalku marayo.
• Xukuumaddu waxa ay sida ugu dhaqsiyahabadan uga howl gali doontaa una soobandhigi doontaa qorsheyaashadoorashooyinka amniga doorashooyinka iyoamniga guud ee qaranka.
Walaalayaal,
• Waxaan rabaa in aan halkan uga caddeeyoshacabka Soomaaliyeed, Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo dhammaandaneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka in ay naga go’an tahay in ay dalka ka dhacdodoorasho xaq iyo xalaal ah oo daahfuran, iyada oo aan cidna xaqeeda la duudsiin.
• Waxaan aad uga xumahay qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho oo sababaykhasaare, barakac iyo walwal soo food saaray shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay ahayd nasiib darro aad u weyn oo lagabaaqsan karay oo ay tahay in aysan mar kale nagu soo laaban.
• Mar haddii xal laga gaaray arrimihiixasaradaha abuuray, waxaan dhinacyada oodhan ugu baaqayaa in ay nabadda nagalashaqeeyaan.
• Dhammaan Ciidammada Qaranka eegeesiyada ah, waa difaaceyaasha qaranka, mana laha mucaarad iyo muxaafad, sidaasdarteed waxaan farayaa in ay xeryahooda kunoqdaan kana fogaadaan in ay ku milmaanarrimaha siyaasadda.
• Si loo xalliyo saameynta arrimahasiyaasaddu ku yeesheen CiidammadaQaranka, waxaan magacaabayaa guddifarsamo oo arrintaas ka soo talo bixiya.
• Siyaasiyiinta waxaan ugu baaqayaa in ay fogaadaan hadallada xanafta leh iyo ficilladaaan caawineynin nabadda, xasilloonida iyowadajirka shacabka Soomaaliyeed, dalkaandhammaanteen wuu naga dhexeeyaa.
• Dowlad-goboleedyada dalka waxaan ugamahadcelinayaa doorkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay nagala shaqeeyaan sidii ay dalkan uga dhici lahayd doorasho xor iyoxalaal ah. Waxaan dhaqso ugu casuumidoonaan in ay ka soo qeyb galaan shirkaGolaha Wadarashiga Qaran eedhammeystirka arrimaha doorashooyinka siwaafaqsan heshiiskii 17-kii September iyo16-kii February.
• Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugamahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaannaku boorrinayaa in ay garab istaagaandowladnimada iyo dhowrista nabad galyada.
• Ugu dambeyntii Saaxiibbada Caalamka, waxaan uga mahadcelinayaa garabistaaggooda dowlad dhiska Soomaaliya, waxaanna ka codsanayaa in ay nagu gacansiiyaan howsha culus ee na hor taalla.
Wibbilaahi Towfiiq