Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Ibraahim Baardheere

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Baardheere, oo ku geeriyooday magaalada Ankara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga tacsiyeynaya qoyska marxuumka, eheladiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka baxay, isaga oo Alle uga baryay in uu u naxariisto, jannadii Firdowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Mudane Xamsa ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka soo qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka.