Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Madaxweyne ku-xigeennada Galmudug iyo Jubbaland

Muqdisho, Khamiis 5 Sebtembar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa waxa uu kula yeeshay kulan casho ah Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Mudane Cali Daahir Ciid iyo Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka dhageystay labada Madaxweyne ku-xigeen warbixinno la xiriira xaaladda deegaannada dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka kooxaha Khawaarijta ah looga sifeynayo meelaha ay kaga harsan yihiin deegaannada Galmudug iyo Jubbaland.