Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamse Ayaa Guddoomiyey kulanka Isuduwayaasha Mashaariicda Kala Duwan ee Dalka Ka Socda.

Muqdishu 26 February 2023—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulanka isuduwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda #DanQaran iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023.

Shirka ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadyada xukuumadda ee dhinacyada mashaariicda iyo horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo ay hada ka socoto dib u soo noolaynta adeegyadii aassaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana sanadkan qorshuhu yahay in si dhamaystiran u hirgalaan mashaariicdaasi.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyey xiriiriyaasha iyo iskuduwayaasha mashaariicaha kala duwan shaqooyinkii ay soo qabteen, isagoo tilmaamay sanadkana looga fadhiyo in ay hir galiyaan mashaariico intii hore ka badan oo dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey Khawaariijta oo dadka deegaannada ku dhaqan la tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay.

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomalia