Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamse “Dagaalka cadowga waa wadeynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan”

Muqdisho, Sibteembar 05, 2022-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daah furay qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.

Mudane Xamse ayaa tilmaamay in wadajir loogu istaago sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagaixisada ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay xorreynta goobaha ay argagixisadu ka soo maleegayaan daadinta dhiigga shacabka, isagoo la wadaagay murugada geerida ehellada shacabkii ay argagixisadu ku gumaadeen gobolka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Galgaduud.

“Waxaan ugu hambalyeynaya ciidanka qalabka sida iyo shacabka isu abaabulay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xukuumaddiinu waa idin garab taagan tahay, dagaalka cadowgana waa wadaynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayan, saakay oo u danbeysay waxaa laga xorreeyey deegaanka Basra oo ay shacabka ku dhibaateynayeen, wuun sii soconayaa inta laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, xubno ka tirsan labada golle ee dowladda, maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil iyo ururrada haweenka.

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia