Ra’iisul Wasaare Xamse “Nabaddoon Cilmi wuxuu astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah Argagixisada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyey geerida  ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku shihiiday dagaal ka dhacay jiidda hore  ee deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan.

Mudane Xamse ayaa Allah uga baryey marxuumka in uu jannaadiisa ka waraabiyo, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay marxuum Mujaahid Cilmi in uu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, astaan iyo halbeegna u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday.