Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulammo iyo wadatashi la sameynaya qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa Caawa la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay doorkooda ku aaddan kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, amniga iyo dowlad dhisidda.