Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeeray Xarunta cusub ee Xukuumadda oo heer gabo-gabo ah maraysa

Muqdisho, Juun 28, 2022–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Dhismaha xaruntan oo ay maalgalisay dowladda Qatar, kuna taala halkii horay loo oran jiray Xarunta Xisbiga ee degmada Warta Nabadda ayaa isugu jira, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xarunta Xukuumadda, hoyga Ra’iisul Wasaaraha, guriga martida  iyo masjid.

Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya iyo injineerrada dhisaya xarunta ayaa Ra’iisul Wasaarah cusub warbixin ka siiyay heerarkii ay soo martay howsha dhismaha xafiisyada xukuumadda oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu ay dhawaan ku shaqo bilaabi doonaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey cid walba oo gacan ka geysatay dhismaha xaruntan oo muhiim u ah habsami u socodka adeegyada ay Xukuumaddu u qabanayso bulshada Soomaaliyeed.

default
default