Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku-simaha Safiirka Jabuuti kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo Xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf, ayaa kala hadlay adkaynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xiliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, isla markaana ay xukuumaddiisu sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka labada dal, isagoo uga mahadceliyey taageeradooda walaaltinimo.

 

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia