Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bini’aadamnimada

Muqdisho, Sibteembar 06, 2022- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bini’aadamnimada, Martin Griffiths oo ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Dowladda iyo Kuwa QM, gaar ahaan dar-dargelinta Gurmadka Abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey goobaha ay sida daran u saameeyeen abaaruhu, isagoo tilmaamay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinaysay gurmadka abaaraha iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa mustaqbalka abaaraha dalka ku soo laalaabta xal u heliddooda.

Sidoo kale, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadamnimada, Martin Griffiths ayaa ka deyriyay xaaladda abaaraha ka jira dalka iyo in dadku wajahayaan xaalad nololeed oo daran, taas oo laga cabsi qabo in ay isku badesho heer macluul, maadaama dadka intooda badan ay dhaafeen wixii ay ku noolaayeen. Waxuuna caalamka ugu baaqay in gurmad loo fidiyo dadka abaartu saameysay.

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia