Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Muqdisho, 08, Agoosto, 2022–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya.

Wakiilka QM ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Labada masuul ayaa sidoo kale, isla soo qaaday arrimaha ammaanka, abaaraha ka jira dalka oo lagu wajaho gurmad mideysan iyo  sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada caalamiga ah iyo  qorsheyaasha dowladda mudnaanta u leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia