Ra’isul Wasaaraha Somaliya oo ka hadlay sababta dib loogu dhigtay Magacaabida taliyeyaasha Booliska & Nabad sugida
MUQDISHO,January 06, 2018 :-Ra’isul Wasaaraha Somalia Mudane Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horeysay sababaha loo magacaabi la’yahay taliyeyaasha Nabad Sugida iyo Booliska Soomaaliya.
Mudane Khayre ayaa sheegay muhiimada inaysan aheyn magacaabista Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida, balse muhiimada ay tahay socoshada shaqada ciidanka.
“Muhiimadu ma’ahan in Taliye la magacaabo, muhiimada waxay tahay Boolis noocee ah ayaan u baahanahay, Nabad Suggida noocee ah ayaan rabnaa, ciidamada NISA ee shaqeeya Saldhig noocee ah ayey yeelan doonaan, waxaa muhiim ah in aan marka hore eegno aas-aaska, waxaa jooga dad ku simayaal ah oo shaqo fiican haya, kuwaasoo aan aaminsanahay iyaga laftooda iney dalkan wax u soo qabteen, dhameystirkoodana wuu imaanaya, sidoo kale ma’ahan in la iska ilaaway xilalkaas banaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’isul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay masuuliyiinta xilalka dowladda loo magacaabayo lagu xulanayo inay la jaanqaadi karaan siyaasadda ay xilligaan ay ku shaqeynayso dowladda.
Hawlaha ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska, ayaa waxaa sii wada Taliye Ku-xigeenada ciidamada Booliska Iyo NISA ka dib markii taliyeyaashoodii xilalka laga qaaday labo bilood ka hor.
Abdirahman Moallim Hussein
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM