Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Wasiiradii uu dhawaan magacaabay kadib markii la dhaariyay
MUQDISHO,January 07, 2018 :-Waxaa maanta la dhaariyay Wasiirada Cusub ee Wasaaradaha Arimaha Gudaha , Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Munaasabada Wasiiradan lagu dhaarinayay waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, R/wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Masuuliyiin kale.
Wasiiradan cusub markii la dhaariyay kadib ayaa durba waxa ay kulan la qaateen Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo kusoo dhaweeyay xafiskiisa.
Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa afartii bishan magacaabay Wasiirka Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha iyo Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka.
Abdirahman Moallim Hussein
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM