Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’isul Wasaare Khayre oo Washington ka qeyb galay furitaanka Shirka caalamiga ah ee (Forum Fragility 2018)

MUQDISHO —Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa kaga qeyb galay Magaalada Washington DC Shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlayo Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Bankiga Adduunka (World Bank) ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dejinta Siyaasad la xiriirta horumarinta Nabadgelyada,  si loo helo xal wax ku ool ah oo lagu kobcinayo nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Madaxa Bankiga Adduunka oo furay shirkan ayaa sheegay iney xoojinayaan taageerada la xiriirta sidii wax looga qaban lahaa iska horimaadyada iyo rabshadaha, si loo gaaro himilooyinka lagu yareynayo heerka saboolnimada iyo kor u qaadida nolosha guud ee bulshooyinka.

Raisul Wasaare Khayre oo ka mid ah madax iyo wakiilada heyaddo caalami ah oo kulankan lagu casuumay ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlayo xaalada wadanka iyo guulaha la taaban karo ee ay ku talaabsatay dowladiisa.

Khayre ayaa ka qeyb qalay dood la qabtay furitaankii shirkan oo la xiriirtay dhibaatooyinka ka dhashay xasilooni darada ka jirta meelo ka tirsan caalamka iyo saameynta ka dhalatay.

Kulankan oo furmay maanta socona doona illaa 7-da bishan ayaa si weyn looga falanqeynayaa qaabka ugu haboon ee loo yareyn karo dhibaatooyinka ka dhasha xasilooni darada, waxaana inta uu socdo shirkan Raisul wasaare Khayre uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo wakiilada heyadaha ka qeyb galaya.


Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM