Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo goordhaw ka dhoofay Magaalada Muqdisho
MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyaga oo ku sii jeeda dalka Switzerland, halkaas oo uu uga qaybgalayo Madasha Dhaqaalaha Adduunka.
Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimaha koboca dhaqaalaha Adduunka iyo sidii loo caawin lahaa dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto.
Waxaa sidoo kale la filayaa Ra’isul Wasaaruhu inta uu joogo Switzerland uu la kulmo qaar kamid ah madaxda kulankaas ka soo qaybgelaysa iyo dad kale oo magac leh.
Ugu danbeyntii kulankaan ayaa u muuqda in muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya, maadaama ay ka qeybgalayaan hoggaamiyeyaal ka kala socda dalalka ku horumaray dhanka dhaqaalaha oo uu ku jiro dalka Mareykanku, waxaa na lagu casuumay Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.
Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM