Raisul wasaare Khayre iyo wafdigii uu horkacayey oo Switzerland gaaray
MUQDISHO —Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Switzerland.
Waxay halkaas kaga qeyb galayaan shirka Dhaqaallaha Adduunka oo maanta halkaas ka furmaya isagoo ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo ku saabsan xaalada Somalia.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Switzerland iyo sidoo kale Madaxda Safaaradda Soomaalida ee Dalka Switzerland.
“Wefdi ballaaran oo aan hoggaaminayo ayaa gaarnay Dalka Switzerland si aan uga qeyb galno shirka Madasha dhaqaalaha adduunka oo si rasmi ah naloogu soo casuumay” ayuu yiri Kheyre.
Waxaa uu intaasi kusii daray hadalkiisa in Kobaca Dhaqaalaha Dalkauu yahay ahmiyadda u horreysa ee xukuumaddiisa, si dhaqaalaha dalku kor loogu qaadana loo baahan yahay xiriir wanaagsan oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan in lala sameeyo deeq bixiyeyaasha caalamka.
Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM