Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magaalada Davos kulamo kula qaatay Christine Lagarde iyo Madax kale
MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa wada kulamo uu la yeelanayo Madaxda ka qeyb galaysa shir looga hadlayo kobcinta Dhaqaalaha Aduunka oo halkaas ka furmay maanta.
Madaxda uu Ra’iisul Wasaare Kheyre la kulmay waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Qatar Shiikh Muxammad Cabdulraxmaan Al-Taani, iyaga oo ka wada hadlay qodobbo kala duwan.
“Waxa aan magaalada Davos kula kulmay Raiisal Wasaare Ku-xigeenka Qatar, Sheikh Muxammad Cabdulraxmaan Al-Taani. Waxa aan ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Dawladda Qatar dhowaan ka bilaabayso Dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay madaxa Hay’adda Lacagata Adduunka (IMF), Christine Lagarde, oo ka qayb gelaysa shirka Davos.
Dhanka kale, Christine Lagarde ayaa sheegtay in ay la dhacsan tahay hanaanka maareynta dhaqaalaha ee dawladda Soomaaliya ay waddo, iyada oo ballanqaadday in la dedejin doono sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daymaha lagu leeyahay.
Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM