Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo Abaaraha

Muqdisho, Sibteembar 01, 2022- Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, dadaalka gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxa uu kaga warramay socdaal uu ku tagay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, oo isaga wafdigiisa ay kaga qayb galeen shirkii caalamiga ahaa ee TICAD8, kaasi oo intii uu socday Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay ku soo bandhigeen horumarrada socda iyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda ee u baahan kaalmo caalami ah, si guullo looga gaaro, iyadoo kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qayb galeysay shirka.

Waxaa sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay in ay u doorteen, sidii uu tusaale ugu noqon lahaa gurmadka ay dowladdu billowday.

Dhinaca kale, Wasiirradda Gaashaandhiga iyo Amniga ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu waddo ee lagu doonayo in lagu xorreeyo goobaha ay cadowgu ku dhuumaaleysanayaan, laguna sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo goobaha ay saameynta ku yeelatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay wasaarradaha ay quseeyaan ajandayaashii shirka ee maanta. in ay si deg-deg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia