Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Xiisadda Baladweyne iyo Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimahah doorashooyinka, amniga gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Kulanka Golaha Wasiirrada  waxaa warbixin ku saabsan xaaladda magaalada baladwayne looga dhagaystay wasiirada amniga iyo gaashaandhigga

Labada Wasiir ayaa golaha wasiirada lawadaagay in cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga iyo booliska la geeyay magaalada baladwayne,  iyadoo aan lagu wargalin Wasiirada shaqada ku leh xilli ay magaaladaas ka taagan tahay Xiisad siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale uga warbixiyay Golaha Wasiirada Wadahadal la xiriira arinta Baladwayne oo uu khadka taleefanka kula yeeshayMadaxwaynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Kasoo jeeda Gobalka hiiraan.

Dood iyo falanqayn ka dib Goluhu wuxuu isla gartay Qodobadaan,

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin, laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda, laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga.

Raiisulwasaaraha ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah oo ka kooban,

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Gen Mukhtaar Xuseen Afrax, Guddoomiye.
  • Md Cabdulaahi Maxamed Nuur  Wasiirka Amniga Gudaha
  • Md Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhiga.
  • Md Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga
  • Marwo Fowziya Maxamed Abiikar, wasiirka Caafimaadka.
  • Iyo sarkaal ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigaan wuxuu Maamulka Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala dhaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.

Golaha Wasiiradu wuxuu ugu baaqayaa Waxgaradka iyo Shacabka Magaalada baladwayne in ay muujiyaan daganaan, Lana ilaaliyo waxkasta oo keeni kara isku dhac.