Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Shirka Golaha Wasiirradda oo loogu Hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho May 19, 2022–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirradda ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay Madaxda dalka duco iyo garab istaag u muujiyaan, si Eebbe ugu guuleeyo gudasha howlaha Qaran ee loo  igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sidoo kale u mahadceliyay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay in ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen, isaga oo tilmaamay in dadaal badan lagu bixiyey horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in laga soo gudbay marxaladdii doorashada oo lagu kala aragti duwanaa, balse aysan jirin colaad shakhsiyadeed oo u dhaxeeysay Madaxda dalka, waxa uuna guud ahaan dadka Soomaaliyed ku faray adkeynta midnimada, xoojinta wada shaqeynta iyo amniga dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayaa golaha Wasiirradda ku booriyey shaqadii wanaagsan ay soo qabteen muddadii ay socotay hirgelinta doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, taas oo muujineyso dadaallada Dowladda ee ku aaddan ka dhabeynta rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaad