๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฐ๐ถ๐๐ผ ๐บ๐๐ต๐ถ๐ถ๐บ๐ฎ ๐ธ๐ ๐ฎ๐ป๐๐ถ๐ ๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ธ๐๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐๐ผ๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ
Muqdisho, 11 Luulyo, 2024: โ Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga iyo Xeernidaamiyaha Maareynta Maaliyadda Guud ee Xayndaabka Siyaasadda Deymaha, Hannaanka Amaahashada iyo soo saarista Dammaanadaha.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo โ Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.
Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia