Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Shirkii Golaha Wasiirada oo lagu soo bandhigay magacyada xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay

MUQDISHO — Shirka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumada Soomaaliya maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow “Ducaale” ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen:

  • Aweys Khadar Axmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye
  • Cabdullaahi Maxamuud Mukhtaar “Iley”, farsamoyaqaanada qaraxyada
  • Saalax Cabdulqaaddir Cabdulle, madaxa lacagaha Sakawaatka
  • Maxamed Aweys Cali, oo ka tirsanaa amniyaatka
  • Maxamed Xusseen Salaad “Yemeni”, oo ka tirsanaa amniyaatka
  • Mohamed Cali Xassan – amniyaatka
  • Bakar Maxamed Yacquub – miiniiste ahaana tashkiiliyaha dhalinyarada
  • Sakariye Salaad Maxamed – amniyaatka
  • Aweys Kamaal Muxiyadiin – amniyaatka

Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daa’uud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guuleed Cabdulqaaddir Muuse.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystey Faaduma Cusmaan Faarax, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aaddan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyadda. Faaduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Bankiga Adduunka, iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF).

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise-Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo.

Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dawlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020-ka.

Abdirahman Moallim Hussein 
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
Twitter: @SomaliPM